Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan ayaa kulan ku yeeshay magaalad Istanbuul, kadib socdaal aan hore lo qorsheyn oo madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Turkiga.
Labada madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu dhiggiisa Turkiga warbixin ka siiyay xaaladda dalka, dagaalka Alshabaab iyo dadaalka ay wado dowladiisa, isagoo caddeey y muhiimadda xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay in la bilaabo dhammeystirka iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee hore ay u kala saxiixdeen labada dal.
Kulanka oo albaabada u xirnaa waxaa ka dhinaca Turkiga ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandiga ee Turkiga Yaşar Güler iyo Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoljiyada Mehmet Fatih Kacır.
