Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay kulan muddo dheer qaatay magaalada Asmara ku dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Isaias Afwerki.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Asmara, isagoo socdaal rasmi ah oo laba maalmood ah uga bilowday halkaasi, waxaana ay wada-hadallooda ku saabsan yihiin dardargelinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga diblumaasiyadeed & dhaqan-dhaqaale ee labada dal kala saxiixdeen bartamihii sanadkii 2018-kii.
Labada Madaxweyne ayaa kulankooda saacadaha qaatay ee ka dhcay Madaxtooyada Asmara iska xog-waraystay dadaallada wadajirka ah ee labada dal ay ku xoojinayaan xiriirkooda walaaltinimo iyo xaaladaha u danbeeyey ee la xiriira xasilloonida amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee Gobolka.
Dhinaca kale Wasaaradda Warfaafinta Eritrea ayaa sheegtay in kulalka madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea looga hadlay dhaqangelinta heshiiskii saddex geesooska ahaa ee Soomaaliya-Itoobiya iyo Eritrea.
Madaxweynaha Eritrea ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka iyo dalalka Gobolka inay dowladda Soomaaliya laga taageero arrimaha amniga iyo horumarinta qorshaha dowladda degsatay ee mudnaanta u leh.