Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Shirka Iskaashiga Puntland iyo Galmudug oo ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo.
Kulanka oo looga hadlay iskaashiga Puntland iyo Galmudug, ee dhinacyada Amniga, bulshada iyo horumarka, waxaa kaloo looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Doorashadda, iyadoo War-murtiyeed ay wadajir u soo saareen ku heshiiyeen inay ka shaqeeyaan sidii la isugu soo dhoweyn lahaa dhinacyada ku kala aragtida duwan hanaanka qabsoomidda doorashada .
AKHRISO QODOBADDA WAR-MURTIYEED
Shirka ayaa waxaa lagu gaaray qodobada soo socda:
- Shirku wuxuu tacsi u dirayaa dhamaan intii ku dhimatay qaraxii argagixisada ee 19kii December 2020 ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan Saraakiishii, Masuuliyiintii iyo shacabkii ku dhintay.
- In Galmudug iyo Puntland ay iska kaashadaan xoojinta amniga gudaha labada Maamul iyo la dagaalanka Argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.
- In la adkeeyo nabadda iyo nabadeynta bulshada ka kala tirsan Galmudug iyo Puntland.
- In la dhiiri galiyo, lana xoojiyo iskaashiga horumarinta dhaqaalaha, isu socodka ganacsiga iyo iskaashiga dhismaha hay’adaha dowliga ah.
- Dowladaha Galmudug iyo Puntland waxay markasta diyaar u yihiin dadaal kasta ee loo dhanyahay ee lagu gaari karo hirgalinta doorashada 2020/2021. Sidaa darteed ayadoo la dhawrayo heshiiskii lagu gaaray 17kii September 2020 Magaalada Mogadishu, Dowladaha Galmudug iyo Puntland waxay ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen dhinacyada ku kala aragtida duwan hanaanka qabsoomidda doorashada.
- Shirku wuxuu ugu baaqayaa dhamaan Ummadda Soomaaliyeed in la illaaliyo midnimada, amniga iyo xasiloonida Dalka, lagana fogaado wixii keeni kara xasilooni darro iyo khal khal amni.
- Shirku wuxuu ka mahad celinayaa taageerada Beesha Caalamka ee dhismaha dowladnimada Soomaaliya, arrimaha bini’aadantinimo iyo horumarinta dhaqaalaha. Shirku wuxuu ugu baaqayaa Beesha Caalamka inay gacan ka geystaan qabsoomidda doorasho.