Wednesday, April 23, 2025

Madaxweynayaasha Mareykanka & Faransiiska oo Ereyo kulul is weydaarsaday [Dagaalkii Ganacsi oo gaaray heerkii ugu xumaa]

Madaxweyne Trump iyo dhiggiisa faransiiska ayaa eedaymo xooggan oo ku aaddan siyaasadda ganacsiga iswaydaarsaday xilli uu shir madaxeedka dalalka loo yaqaan G7 ee ugu horeeyo dhaqaalaha dunida uu ka dhacayo dalka Canada.

Dagaalka Ganacsi ee ka dhex qarxay Mareykanka oo dhinac ah iyo dalalka Midowga Yurub, Canada iyo Mexico oo dhinaca kale ah ayaa bilowday kadib markii maamulka Trump oo ku doodaya in Yurub iyo Canada ay muddo dheer si xaqdarro ah gacansi ay iyaga kaliya faa’iido ugu jirto kula jireen dalkiisa uu ku soo rogay canshuur la saarayo waxyaabaha ay u dhoofiyaan Mareykanka oo ay ugu horeeyaan Birta iyo Alumnium-ka.

Bartiisa twitter-ka ayaa madaxweyne Trump waxa uu ku eedeeyey in Faransiiska iyo Canada inay Maraykanka kusoo rogoyaan canshuuro xad dhaaf ah ayna abuurayaan isbaaro ganacsi, iyadoo muddo dheer Mareykanka ula dhaqmayey su gurracan.

Ad

Dhanka kale madaxweynaha Faransiiska Macron ayaa sheegay goor sii horraysay in Mr Trump uu u muuqdo mid aan wax dan ah ka lahayn in uu go’doon noqdo, lixda dal ee kale ee hoggaaminaya dalalka hodanka ah ayuu sheegay in ay si wada jir ah u samaynayaan suuq dhaqaale kaas oo noqonaya awood dhab ah oo caalami ah.

Madaxweynaha faransiiska oo arrintaas ka hadlayana wuxuu yiri: “Waan u sheegayaa madaxweyne Trump in tallaabooyinka uu qaaday ay yihiin kuwo lid ku ah dhaqaalaha dalkiisa. Aniga ahaan arrintani waxay iila muuqataa mid mabda’ la xiriirta, kuumana suurto galayso inaad xulufada ka dhex abuurto dagaal dhanacsi. dhammaanteen waxaan ku lug leenahay xiisado jira, sida Suuriya iyo Ciraaq, iyo meelo kale oo dunida kamid ah. Waxaan nahay xulufo waxaan iswaydaarsannaa xogo muhiim ah. Ciidamadeennu waxay si wadajir ah u ilaaliyaan xorriyadda iyo mabaadii’deenna. Marka la eego xaaladda uu caalamku maanta kujiro ma gali karno dagaal ganacsi”

Madaxweyne Macron ayaa intaas raaciyey in kooxdan lixda dawladood ka kooban ay ka maarmi karto Maraykanka: “Waxaan isku dayayaa inaan madaxweyne Trump ku qancinno in uu caadi kusoo celiyo arrimaha ganacsiga, sababtoo ah waxaan u baahannahay inaan xallino xiisaddaan. Waxaa laga yaabaa in madaxweynaha Maraykanku uusan doonayn in uu go’doon ahaado, balse annaguna sidoo kale danayn mayno sidaas, balse haddii uu arrinku sidaas ahaado, dawladahayagan lixda ahi waxaan leenahay mabaadii, suuq dhaqaale oo taariikh xooggan leh iyo wax waxaas oo dhan ka sarreeya oo ah xoogga dhabta ah ee heerka caalamiga ah ee maanta”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON