Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ayaa ergay ahaan ugu soo diray Soomaaliya Taliyaha ciidmaada dhulka ee dalkaasi Gen.Muhorzi Kainerugaba.
Taliyaha ciidamada Lugta ee dalka Uganda Gen.Muhorzi Kainerugaba oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi ayaa kulamo kala gaara la yeeshay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha ciidammada lugta Uganda Gen.Muhorzi Kainerugaba oo booqasho ku yimid Muqdisho.
Faahfaahin lagama bixin waxa looga hadlay kulanka iyo ujeedka wafdiga, waxase la sheegayinuu Rooble uga mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ciidammada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM & wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidammada Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Uganda ay si weyn uga xumaatay is jiidjiidka madaxda dowladda Federaalka, ayna dooneyso inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, iyadoo farriin gaara oo arrintaas ku saabsan uu madaxweynaha Ugandau soo diray Farmaajo iyo Rooble.