Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni oo ka qeyb galaya shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya, kana socda magaalada London ayaa eedeyn culus u jeediyay hogaamiyeyaasha Soomaalida.
Musaveni oo sheegay in Uganda ay tahay dalka hormuudka u ah ciidamada jooga ee Soomaaliya ee la dagaalamaya Alshabaab ayuu dhinaca kale ku eedeeyay hogaamiyeyaasha siyaasyiiinta ee Soomaaliya inay liidato wadaniyadooda, taasoo keentay fashilka heysta.
Madaxweynah Uganda wuxuu ku baaqay in la sameeyo xisbiyo siyaasadeed oo Wadani ah oo Soomaaliya ku hogaamiya sidii ay cagaheeda isugu taagi lahayd, wuxuuna sheegay in soomaalinimo looga baahan yahay siyaasiyiinta dalka Soomaaliya.
Hadalkan ayaa ahaa kii ugu adkaa ee madaxda Soomaalida si toos ah loogu duro, intii uu socday shirka London ee arrimaha Soomaaliya.
Goobjooge.com