Tuesday, September 10, 2024

Madaxweynaha Uganda oo shaaciyey tirada Ciidamada Uganda looga dilay weerarkii Buulomareer

Madaxweynaha Uganda Yoweri shaaciyay tirada ciidamada Uganda looga dilay weerarkii kooxda Al-Shabaab ku qabsatay saldhigoogdii degaanka Buulomareer ee Koonfurta Soomaaliya.

Museveni ayaaa sheegay in 54 askari oo ka mida Ciiddanka Uganda (UPDF) lagu dilay halkaasi, kadib markii Saldhiggii Buulomareer ku weererreen Alshabaab, lana wareegeen Kooxdaasi.

Ad

“Askarteenu waxay muujiyeen adkaysi la yaab leh, dib ayeyna isu habeeyeen, taasoo keentay inay dib u qabsadaan saldhigga. Waxaan helnay meydadka 54 askari oo dhintay oo uu ku jiro Taliye. Argagixisadu waxay isku dayeen mar kale weerar fool-xun oo ay ku qaadeen magaalada Baraawe, balse ciidamadeenu waxay kala kulmeen dharbaaxo xooggan, taasoo keentay inay baxsadaan”.” ayuu yiri madaxweyaha Uganda.

Khaladka ka dhacay Buulomareer ayuu sheegay inay lahaayeen laba taliye oo kala ah Maj. Oluka iyo Maj. Obbo, kuwaasoo ku amray askarta inay dib u gurtaan. Waxaana la xiray taliyeyaashaasi, wuxuuna intaas ku daray in lagu soo oogi doonaa dacwad ka dhan ah oo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida la horgeyn doono.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa subaxnimadii jimcihii ee 26 May Weerar culus ku beegsaday saldhiga degaanka Buulamareer oo 130 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Madaxweyne Musaveni ayaa todobaadkii hore sheegay inay jiraan khasaarooyin soo gaaray ciidamada Uganda, balse ma bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan tirada ciidamada weerarka lagu dilay, kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Waa qasaarihii uu badnaa ee Uganda qirato in hal weerar looga dilay askar intaas la eg, halka Al Shabaab ay sheegatay inay weerarka ku dishay 137 askari oo ku sugnaa saldhiga Buulomareer.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON