Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni oo shalay madaxweynaha Soomaaliya kala qeyb galay xafladii lagu soo xirtay tababarka ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay tirada ciidamada iyo meelaha ay ka yimaadeen.
Madaxweynaha Uganda Musaveni ayaa qoraal uu faafiyey ku sheegay in askarta Soomaalida ee tababarla loo soo xiray ay gaarayaan 2900 Askari, isla markaana ay in muddo ah tababar ku qaaten Xarunta Tababarka Ciidamada ee Magaalada Butiaba.
“Waxaan ugu hambalyeynayaa shacabka Soomaaliyeed, dhalinyaradan oo muujiyay xirfado wanaagsan oo ay ku barteen sidii ay dalkooda u difaaci lahaayeen. Qaar ka mid ah dhalinyaradan ayaa ka yimid London, Nairobi iyo meelo kale, si ay u bartaan xirfado dagaal oo ay dalkooda ku difaacaan”.” ayuu qoraalkiis ku yiri Madaxweynaha Uganda.
Yoweri Musaveni ayaa sheegay inuu qirayo mahadcelinta uu Mdaxweyne Xasan Sheekh u jeediyey dalkiisa Uganda, sida ay uga qeyb qaadatay iska caabinta argagixisada Soomaaliya.
Warka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaan lagu sheegin tirada ciidamadan cusub iyo goobta ay tababarka ku qaateen midna, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uga mahad celiyay dalka Imaaraadka Carabta.