Tuesday, February 18, 2025

Madaxweynaha Uganda oo raaligelin ka bixiyey Kaftankii Wiilkiisa ugu hanjaby Dalka Kenya

Madaxweynaha Uganda a Yoweri Museveni ayaa waxa uu raaligelin siiyay madaxweynaha Kenya William Ruto iyo shacabka dalkaasi, kadi muran iyo dood ka dhalatay markii wiilkiisu uu farriimo uu soo dhigay bartiisa twitterka ugu hanjabay inuu Kenya soo weerari doono muddo laba toddobaad ahna ku qabsan karo Nairobi qabsanayo.

Musaveni oo wiilkiisa General Muhoozi Kainerugaba shalay u dalcasiiyey Darajada Jeneraal ayaa wax aan qaban dowladda Kenya iyo dadkeeda ku tilmaamay hadlakii wiilkiisa ka yimid, sidaasina aysan ahayn qab ay u wadahadlaan laba dal oo deris iyo walaallo ah.

“Aniga iyo ciidankaygaba naguma qaadan lahayn, 2 toddobaad in aan Nairobi ku qabsanno” ayuu Twitter-kiisa ku soo qoray wiilka Jeneraalka ah ee uu dhalay Madaxweyne Muzaveni, loona diyaarinayo inuu talada uga danbeeyo aabihiis, balse markii dambe sheegay in hadaladaas ay ahaayeen kuwo kaftan ah.

Ad

Museveni ayaa maanta soo saaray bayaan uu raaligelin ka bixiyay arrinta dhacday, wuxuuna u qornaa, sida soo socota:

Dadkeyga Reer Uganda qaaliga ah, shacabka walaalaha ah ee Kenya iyo dhammaan dadka Bariga Afrika. Waan idin salaamay dhamaantiin. Mar kale, waxaan bogaadinayaa doorashooyinkii sida nabdoon uga dhacday Kenya oo uu ku soo baxay H.E.William Ruto. Anigu, mar labaad, ayaan ugu hambalyeynayaa guushaas.
Waxaan ka codsanayaa walaalaheen Kenya inay naga cafiyaan qoraallada uu soo diray General Muhoozi, Taliyihii hore ee Ciidamada Dhulka ee halkan, ee ku saabsan arrimaha Dalka Kenya.

Sax maaha in saraakiisha Dawladda, rayid iyo ciidanba ay ka hadlaan ama farageliyaan arrimaha gudaha ee dalalka walaalaha ah… Khaladkani waa hal dhinac, waana sarkaal dowladeed oo si xun u dhaqmay. Si kastaba ha ahaatee, waxa jira wax-qabadyo kale oo badan oo fiican oo uu Generalku sameeyey, welina uu samayn karo. Aad baan uga xumahay arrintan. Sidoo kale waxaan ka xumahay in Uganda mid ka mid ah saraakiishooda oo faraha la galay arrimaha walaalka Kenya”

- Advertisement -

Runtii waan ogahay in General Muhoozi uu yahay Pan-Africanist aad u jecel. Si kastaba ha ahaatee, habka saxda ah ee Pan-Africanists waa isdhexgalka iyo ururrada (EAC iyo AU), gaar ahaan haddii aad tahay sarkaal dowladeed. Waxaan dhammaan aragtidaas la wadaagay Madaxweynaha Kenya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON