Sunday, April 27, 2025

Madaxweynaha Uganda oo kashiftay sababta uu ciidamadiisa ugala baxayo Soomaaliya

Madaxweynaha Yuganda Yuweri Museveni ayaa si rasmi ah daaha uga rogay go’aanka uu ku gaaray inuu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya.

Musaveno oo ka hadlayay kulan uu la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Yuhuudda Benyamin Netanyahu ayuu sheegay in qorshe xumo weyni ay haysato istiraatiijyada howlgalka ciidamada AMISOM, taasna ay tahay sababta keentay in dowladdiisu go’aamiso in ciidanka Uganda Soomaaliya ay ka baxaan sannadka danbe 2017.

Wuxuu ku taliyay in ciidamo loo dhiso Soomaaliya, taasina ay tahay arrinta laga meermeerayo ee salka u ah xalka dhibaarada dalkaasi. Yuweri Museveni wuxuu intaas raaciyay inuusan ciidamadiisa la bixi doonin haddii howlgalka AMISOM jihada saxda ah uu abaaro, qorshahana lagu daro in dib loo dhiso ciidamada Soomaaliya.

Ad

Uganda ayaa dhowr jeer oo hore ku hanjabtay inay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, taasoo markii dambe la xaliyay, waxayna arrintan u muuqataa inay howlgalkii AMISOM ku dhowaaday gabagabo.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON