Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku hanjabay inuu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya, isagoo xaaladda Soomaaliya ku tilmaamay inuu hayo AIDS siyaasadeed.
Wareysi uu siiyay TV-ga Frace24 ayuu Madaxweyne Museveni xaaladda Soomaaliya ku sifeeyay mid aan shaqeynin dowladii iyo ciidiamadii dalkaasi, si ay u qaataan mas’uuliyadda, tasoo la mida buu yiri marka Jirku difaaci ka lumo sida Cudurka AID-s-ka oo kalena ay noqotay siyaasadda Soomaaliya.
“Jirku waa inuu awoodda inuu is difaaco, haddii uu Jirku is-difaaci waayo wuxuu macnaheedu yahay waxaa ku haya AIDS siyaasadeed.. oo la mida marka habka difaaca jirka aanu awoodin inuu is difaaco..” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda.
Musaveni wuxuu sheegay inuusan isagu jecleyn ciidamo dibadda ka yimid inay dal kale tagaan, marar badanna uu isku dayey inuu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya, balse ay dhinacyo kale ka hor joogsadeen.
Mar la weydiiyey inuu hadda ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya ayuu sheegay inuu arrintan kala hadlayo Midowga Afrika, dibna loo eegi doono, isagoo caddeeyay in haddii ciidamada Soomaaliya ay mas’uuliyadooda qaadan lahaayeen mar hore xal loo heli lahaa arrimaha Soomaaliya.
Khilaafka cusub ayaa ka dhex qarxay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo keenay in la is weydiiyo dowladnimada Soomaaliya iyo kaalinta ciidamada Midowga Afrika.
HOOS KA DAAWO WAREYSIGA