Madaxweynaha Uganda Museveni ayaa sheegay in 5,000 oo askar dheeraad ah uu diyaar ula yahay inuu Soomaaliya usoo diro si ay kaga qeyb qataan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ciidamada Midowga Afrika ka wadaan Soomaaliya.
Madaxweyne Museveni ayaa sheegay in Dowladiisu ay awooddo ciidamada intaa la eg iyo in ka badanba, balse waxa uu shuruud ugu dhigay in la helo cid bixisa Mushaarkooda iyo qalabka ay ku howl galayaan. Hadalkaan ayuu Madaxweynaha Uganda u sheegay Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika ee Mr Donald Yamamoto.
Xog-hayaha ayaa madaxweyne Yuweri Museveni ka dalbaday ciidamo dheeraad ah oo uu usoo diro Soomaaliya, si ay kaga qeyb qaataan howlgalka cusub ee Soomaaliya, Balse Madaxweyne Museveni waxa uu sheegay hadii Mareykanka laga helo mushaaraadkooda iyo agabka ay ku howl galayaan.
Wararka ayaa intaa raacinaya in Xog-hayaha uu sheegay in ay ka baaraan degayaan dhaqaalaha ku kacaya Ciidamadaasi, isla markaana ay Beesha Caalanka kala tashan doonaan sidii ciidankaas Soomaaliya loogu soo diri lahaa.
Uganda Soomaaliya waxaa ka joogo in ka badan 6,000 oo askari kuna howl galaya Magaca AMISOM, Waxayna dalka joogaan 10-sano, Sidoo kale Uganda ayaa noqotay Hogaamiyaasha Ciidamada AMISOM, Maadaama ay yihiin Ciidankii ugu horeeyey ee dalka la keenay.
Mr. Yamamoda Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika ayaa damacsan in waxyaabihii uu kala kulmay Madaxweyne Museveni uu hor geeyo Golaha amaanka si ay kaga arrinsadaan.
Uganda ayaa bartamihii Todobaadkaan sheegtay in Soomaaliya ay usoo direyso Ciidamadeeda Gaarka ah, kadib markii ay kulmeen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Museveni.
Ciidamada gaarka ah Uganda ee qaabilsan la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada, Xukuumadda Kampala ka sheegin inta ay la eg yihiin iyo waqtiga ay soo dirayaan.