Monday, February 10, 2025

Madaxweynaha Turkiga: “Safaaradda ugu weyn Dunida oon ku faano waxay ku taallaa Somaliya”

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay inay Soomaaliya tusaale u tahay muhiimadda uu Turkigu siinayo horumarinta dhaqaalaha, nabadda bulshada iyo xasilloonida Qaaradda Afrika, isagoo magaalada Ankara ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay wada qabteen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu sheegay in 10-kii sano ee la soo dhaafay ay Soomaaliya ugu deeqdeen in ka badan 1 Bilyan dollar oo Gargaar bani’aadannimo.

“Sannadkii 2011-kii Soomaaliya waxay qarka u saarneyd burburka, sanadkii 2011-kii, waxaan booqasho rasmi ah ku tagnay Soomaaliya annaga iyo wafdi ballaaran oo aan caalamka u gudbinay inaan garab taagannahay walaalaha Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.

Ad

Tallaabooyinka wadajirka ah ee la qaaday ayuu sheegay in Soomaaliya ay gacan ka siiyeen dib u soo kabasho iyo horumaro, ganacsiga labada dhinac oo gaaray $363 milyan sannadkii hore 2021, iyadoo sanadkii 2013 uu ahaa 2 milyan Dollar kaliya.

Edogan wuxuu sheegay inay ku faanaan dhismaha ugu weyn ee safaarad uu Turkiga ku leeyahay caalamka ay tahay Safaaradda Soomaaliya ee Muqdisho. Sidoo kale ay Soomaaliya ka saareen go’doonkii Duulimaadyada oo Shirkadda Turkish Airlines

Dhankiisa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyay dowladda Turkiga maal-gashiga ay ku sameynayaan Soomaaliya, isagoo u mahadceliyay Turkiga iyo shacabkooda dadaalka iyo dadaalka ay ugu jiraan xaaladaha bani’aadanimo ee dalkiisa uu wajahayo.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON