Saturday, May 17, 2025

Madaxweynaha Turkiga & Ra’iisal Wasaaraha Yuhuudda oo ereyo kulul is weydaarsaday [Akhriso]

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa dad badan oo isugu soo baxay magaalada Istanbul u sheegay in uusan Qudus uga haraynin xukuumad “carruurta laysa” oo uu ula jeeday Israa’iil.

Ordogan ayaa si kulul u weeraray Yuhuudda isagoo sheegay inay tahay umada ku dul nool umad kale oo aan damiir lahayn, wuxuuna intaas ku daray inay tahay dowladda Isra’iil tan leysay caruurtii Gaza.

Erdogan ayaa Qaza ku tilmaamay “khad cas” oo arrimaha Muslimka ah wuxuuna ka digay in Turkigu ay soo afjari doonaan calaaqaadkii dublamaasi ee ay la lahaayeen Israa’iil arrinta Qudus awgeed.

Ad

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benyamin Netanyahu oo u jawaabay madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay isagoo sheegay in isaguna dad badan laayey, isla markaana saxafiyiinta xirxirto oo aanu jirin war uu ka maqlayo Erdogan.

“Hadal kama dhagaysto hogaamiye uu damiirkiisu siiyay in uu duqeeya tuulooyinka Kurdiyiinta ee ay dagan yihiin dadka asal ahaan Turkida ah, kaas oo xira saxafiyiinta, Iiraanna ka caawiya in ay jabiso cunoqabataynnada caalamiga ah, kaas oo caawiya argagixisada ay ku jiraan kuwa Gaza ee laaya dadka aan waxba galabsanin, ayuuna yiri Ra’iisal wasaarha Yuhuudda.

Turkiga iyo Israa’iil ayaa calaaqaadkooda dublamaasi soo celiyay sannadkii hore uun lix sano ka dib markii uu Ruushku Turkigu calaaqaadka u jaray, iyadoo uu Turkigu ka mudaaharaadayay sagaal ruux oo Turki ah oo Falastiiniyiinta taageersanaa kuwaas oo ay isku dhaceen kumaandoosta Israa’iil iyaga oo saaran Markab oo isku dayaya in ay jabiyaan go’doomin lagu hayay Gaza.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON