Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku hanjabay suuaragalnimada in Turkiga uu weerar ku qaado Israa’iil, si ay u farageliyaan xaaladda ka taagan magaalada Gaza iyo xasuuqa ay Yuhuuddu ku heyso dadka Falastiin.
Isagoo xildhibaanno ka tirsan xisbigiisa AK kula hadlayey magaaladiisa Rize ayuu Erdogan sheegay inay suuragal tahay in ciidamada Turkiga ay gudaha u galaan Israa’iil, si la mida sidii ay faragelinta uga sameeyeen dalalka Liibiya iyo Azerbaijan.
Madaxweynaha Turkiga wuxuu si weyn ugu eedeeyay Yuhuuda xasuuqa ay ka wado magaalada Gaza, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa: “Waa inaan yeelano Geesinimo si aysan Israa’iil ugu dhiiran mar kale waxa ay ka sameyneyso dhulka Falastiin. Waxaa dhici karta inaan Israa’iil u galno sidii Liibiya iyo Karabakh”.
Hadalkan ayaa jawaab caro leh ka keenay Yuhuuda, waxaana laga soo xigtay wasiirka Arrimaha dibadda Israel Katz inuu madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan mari doono madaxwynihii hore ee Ciraaq Saddam Xuseen.
“Erdogan waxa uu marayaa wadadii Saddam Hussein, wuxuun ku hanjabay in uu weerari doono Israel. Waa inuu xasuustaa wixii Ciraaq ka dhacay iyo sida ay taasi ku dhamaatay”. ayuu jawaabtiisa ku yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Israel.