Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip ErdoÄŸan oo shir jaraa’id qabtay ayaa si kulul uga hadlay howlgalka ay ciidamada Turkiga ku galeen Waqooyiga Syria, isagoo farriimo culus u diray dalal cambaareeyay howlglka oo ay ka mid yihiin dalalka Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadka.
Shirka jaraa’id oo si toos ah looga baahinayo warbaahinta ayuu Madaxweye ErdoÄŸan ku sheegay in howlgalka ‘Nabadda xaggaaga’ ee ciidamadiisu ku galeen Turkiga uu yahay mid lagu sugayo amniga dalkiisa, isla markaana aanu wax dan ah ka lahayn qabsashada dalka Syria, isagoo caddeeyay inay la howlgalayaan ciidamada Jabhadda Syria ee xorta ah.
Recep Tayyip ErdoÄŸan ayaa si toos ah weerar afka ah ugu qaaday dalalka cambaareeyay howlgalka Turkiga, sida Masar iyo Sacuudiga, isagoo sheegay in Madaxweynaha Masar uu gowracay dimoqradiyadii dalkiisa, isla markaana uu laayey dad fara badan oo aanu xaq u lahayn inuu ka hadlo arrimaha Turkiga iyo Suyria, isagoo farriin culus u diray Sacuudiga oo ku yiri: “Sacuudiga… Bal is eega oo miraayadda isku fiiriya. .kuwa sababay in kumanaan Yemaniyiin ah ay dilaan xaq uma laha inay Turkiga la hadlaan..”.
Isagoo la hadlayey dalka Midowga Yurub ayuu uga digay inuu qaxooti malaayiin ah kusoo fasixi doonaan haddii ay howlgalka Turkiga ka hor yimaadaan..” Midowga Yurubow.. haddii aad howlgalkeena ku tilmaantaan sharci darro, markaas waxaan albaabada u furi doonaan 3.6 Milyan oo Qaxooti Syrian ah oo Yurub soo geli doona..”
Wuxuu farriin kale u diray Mareykanka ku doodaya in Turkigu leynayo dadka Kurdiyiinta ah, isagoo sheegay in Turkiga ay joogaan 300,000 qof oo qaxooti, kuwaasoo cid soo hadal qaaday aysan jirin.
Howlgalka ciidamada Turkiga ee shalay ka bilowday Waqooyiga Turkiga ayuu sheegay in lagu dilay 106 ka mida maleeshiyada Kurdiyiinta ee Syria, isla markaana howlgalka uu yahay mid lagu mideynayo dhulka Syria oo looga xoreynayo xuduudka ku teedsan dalka Turkiga.