Madaxweynah Turkiga Recep Tayib Erdogan ayaa telefoon usoo diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, isagoo ugu hambalyeeyay doorashada uu ku guuleystay.
Qoraal uu faafiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ku sheegay inuu u xaqiijiyey Madaxweyne Erdogan in Turkiga uu yahay saaxiib weyn, ayna xoojiyaan xiriirka ka dhaxeeya labada dal.
“Waxaan uga mahad celinayaa Madaxweyne ERdogan Taleefoonka hambalyada ah. Intii aan wadahadleynay waxaan ballan qaadnay inaan kala shaqeynayo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo & mira-dhalka ah Soomaaliya ee Turkiga. Turkigu waa saaxiib weyn oo muhiim u ah horumarka iyo horumarka qarankeena”. ayuu qoraalkiisa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa xiriiro la sameynaya dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya, iyadoo dib ugu xaqiijinaya xoojinta xiriirkii kala dhaxeeyay Soomaaliya.
