Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip ErdoÄŸan ayaa ugu danbeyn ogolaaday in dalka Sweden uu ku biiro Gaashaanbuurta NATO, kadib muddo dheer oo uu hortaagnaa.
Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltensberg ayaa shaaciyay warka ah in madaxweynaha dalka Madaxweyne Erdogan uu ogoladay inuu “sida ugu dhakhsaha badan” ugu gudbiyo golaha baarlamaanka ee dalkiisa xubinimada Sweden ee NATO, isagoo sheegay inuu ka shaqayn doono, in golaha baarlamaanku meelmariyo codsigaas.
Xoghayaha NATO ayaa hadalkan sheegay, ka dib kulan uu la qaatay madaxweyne Erdogan iyo ra’iisal wasaaraha Sweden, hordhaca shirka isbahaysiga NATO uu ku yeelanayo dalka Lithuania.
Arrintan ayaa ka dambeysay iyadoo uu shalay Madaxweynaha Turkiga sheegay in Turkiga oo loo ogolaado inuu ku biiro Midowga Yurub ay shardi u tahay inuu ogolaado Sweden oo ka mid noqota NATO, taasoo u muuqata in si hoose loo xaliyay.
Wararka aya sheegaya in Madaxweynaha Turkiga uu tallaabadan ku bedeshay is-afgarad hoose oo laga gaaray, waxaana War-murtiyeed ay si wadajir ah Turkiga iyo Sweden lagu sheegay inay si dhow uga wada shaqeyn doonaan la-dagaalanka argagixisanimada iyo kor u qaadista xiriirka ganacsi.
Xubinimada NATO waxay u baahan tahay ogolaanshaha dhammaan xubnaha isbahaysiga milatariga. Turkiga ayaa tan iyo sannadkii hore kor u qaaday ku biiritaanka NATO ee Sweden, isagoo ku eedeeyay Stockholm inay gabaad siiso dhaqdhaqaaqa Kurdiyiinta Ankara oo ay u aragto “argagixiso”.
Go’aankan ayaa jidka u xaaraya in Dalka Sweden uu noqoto dalkii 32-aad ee ka mid noqda isbahaysiga Milateri ee NATO.