Madaxweynaha Turkiga ayaa mahadcelin u diray madaxda dalalka caalamka ee dalkiisa garab istaagga iyo taageerada u fidiyey, kadib dhul gariirkii ka dhacay magaalada xeebta ku taalla Izmir.
Qoraalka madaxweyne Erdogan ayaa lagu yiri; “Waxaan jeclahay inaan u mahadceliyo dhaammaan dalalka saaxiibada ah ee noo soo diray, oo noo muujiyey inay diyaar u yihiin taageero, kadib dhulgariirkii ka dhacay magaalada Izmir..”.
Wuxuu sheegay madaxweynaha Turkiga inay dowlad ahaan arrinta gacanta ku hayaan ayna xaalad kasta la qeyb sanayaan muwaadniintooda. Waxaana dalalka mahadcelinta loo diray ay gaarayaan 66 dal oo ay Soomaaliya ku jirto.
Hoos ka akhriso farriiinta iyo calamaa dalalkaasi.

