Friday, March 28, 2025

Madaxweynaha Turkiga oo ku gacan seyray Cadaadis & Cunaqabateyn uga timid Mareykanka & Midowga Yurub

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa ku gacan seyray oo iska diiday cunaqabateyn iyo cadaadis ay ku hayaan dalalka Mareykaka iyo Midowga Yurub, iyadoo doonaya inuu joojiyo howlgalka milateri ee ciidamada Turkiga ka wadaan Waqooyiga Syria.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga haddii uu joojin waayo howlgalka milateri ee Turkiga ka wado Waqooyiga Syria, waxaana madaxweynaha ku xigeenka dalkaasi uu ku dhawaaqay xayiraad Mareykanku ku soo rogay mas’uuliyiin ka tirsan Turkiga, lana kordhiyey canshuurta Mareykanku ka qaado Birta uga timaada Turkiga.

Tallaabooyinka uu qaaday Madaxweyne Trump ayaa ka dambeysay markii uu dhalleeceyn xooggan kala kulmay, inuu ogolaaday howlgalka milateri ee Turkiga oo hore Aqalka Cad uu shaaciyey inuu Turkiga ay ku dhaqaaqayo hawlgalkooda ka dhanka ah Kurdiyiinyta uu Mareykanku hubeeyay ee ka taageeray dagaalkii Daacish.

Ad

Trump ayaa Isniintii taleefonka kula hadlay madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, waxaana la sheegay in Madaxweynaha Turkiga uu u caddeeyay inuusan joojin doonin howlgalka ciidamada ee Waqooyiga Syria inta lafa gaarayo ujeedkii laga lahaa, iyadoo aysan jirin cid Turkiga hor istaagi karta.

Dalalka Midowga Yurub ayaa intooda badan cambaareeyay howlgalka milateri ee Turkiga, waxayna joojiyeen inay wax hub ah ka iibiyaan dalka Turkiga. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in dalalka Yurub ay ahaayeen kuwii dagaalyahannada usoo diray Syria oo ay dhacday in nin hubeysan oo uu kasoo duulo garoon ay leedahay dowlad Yurub ah oo aanu magacaabin, kana dego dalka Turkiga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON