Friday, March 28, 2025

Madaxweynaha Turkiga oo ka hor yimid War kasoo yeeray Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sacuudiga ku  eedeeyay inuusan daacad ka ahayn baaritaanka dilka saxafigii Jamal Kashoqgi, isagoo ka dalbaday inay usoo gacan geliso dadkii loo xiray dilkisa saxafiga.

Madaxweyne Erdogan oo shir jaraa’id ku qabtay shirka dalalka G20 ee ugu dhaqaalaha badan dunida ayaa sheegay in kiiska dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi aanu ka mid ahayn ajendayaasha shirka loo hadlayo, laakiin uu soo hadal qaaday ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau.

Erdogan ayaa sheegay in Sucuudiga sheegeen hadallo kala duwan oo is-burinaya, ayna marar badan bedeleen kiiska dilka Saxafiga, iyadoo diidan inay Turkiga la wadaagaan macluumaadka laga helay 18-ka qof ee ku eedeysan dilka saxafiga.

Ad

Madaxweynaha Maryekanka wuxuu  kueedeeyay Dhaxal-sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan oo shaki ka muujiyey dilka Saxafiga iyo ciddii ka danbeysay, kaasoo Shirka Madaxda G20 ka sheegay inaan la eedeyn karin Sacuudiga, iyadoo aan caddeyn lahayn, wuxuuna sheegay in warka kasoo yeeray  Maxamed Bin Salman uu yahay mid aan la rumeysan karin.

Wuxuu intaas ku daray in Turkiga aanu dhibaato la dooneynin Sacuudiga, laakiin ay danta Sacuudiga ku jirto inuu caddeeyo ciddii ka danbeysay dilka Saxafiga Kashoqgi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON