Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hor yimid qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku doonayo in Dadka reer Falastiin laga rarro Marinka Gaza.
Erdigan wuxuu sheegay inaysan jirin cid awood u leh inay dadka reer Gasa ka saarto dhulkooda ama ka rarto oo u masaafiriso dalal kale, taasina ay tahay mid aan dhici doonin.
Madaxweynaha Turkiga ayaa hadalkan ka jeediyay garoonka diyaaradaha magaalada Istanbul, asagoo markaas ku sii jeedday dalka Malaysia, wuxuuna kusoo beegmay xilli dunida oo dhan ay cambaaareysay qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku doonayo doonayo in lagu barakiciyo dadka ku nool marinka Qasa.
“Waxaan jeclaan lahaa in aan si cad u sheego in soo jeedinta ay soo bandhigeen maamulka cusub ee Maraykanka ee ku saabsan Marinka Gaza, kuma jiraan wax qiimo ama tixgelin leh oo laga hadli karo, waana khiyaali aan ka doodis mudneyn aragtidayada,” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.
Donald Trump ayaa mar kale ku celiyay xalay qorshihiisa ah inuu doonayo inuu iibsado Marinka Gaza, isla markaana qeybo ka mida uu dalal kale siin doono si ay u maalgeliyaan, isagoo ku dooday in dalalka Sacuudiga, Jordan iyo Masar ay ogolaan doonaan dejinta dadka Gaza, marka uu la hadlo.