Saturday, April 26, 2025

Madaxweynaha Turkiga oo Farriin Culus oo dareen leh kasoo saaray Dilka Hoggaamiyaha Xamaas

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa si adag uga hadlay dilka ka dhacay magaalada Tehran ee dalka Iran oo lagu khaarijiyay Hoggaamiyihii Xafiiska Siyaasadda ee Dhaqdhaqaaqa Xamaas Ismacil Haniyah oo ay fulisay Israel.

Qoraal ku qornaa luqada Carabiga ayuu Erdogan ku sheegay inuu si adag u cambaareynayo dilkii foosha xumaa ee loo geystay madaxii xafiiska siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyeh oo lagu dilay magaalada Tehran.

“Dilkan foosha xun ayaa ujeedadiisu tahay in lagu wiiqo qadiyada Falastiin, halganka sharafta leh ee Gaza, iyo iska caabinta xaqa ah ee walaalaheen reer Falastiin, laguna wiiqo niyadooda oo la cabsi geliyo. Waa isku mid Hadafka loo dilayo walaalkay Haniyeh iyo dilkii Sheekh Axmed Yaasiin, C/casiis Al-Rantisi iyo dad badan oo siyaasiyiin ah oo Gaza lagu dilay, balse waxashnimada Sahyuuniyadda ma gaari karto hadafkeeda” ayuu qoraalkiisa ku yiri Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Ad

“Haddii mawqif adag ka istaagaan dunida Islaamka iyo isbahaysiga bini’aadantinimada, waxa meesha ka bixi doonta argagixisanimadan ay Israa’iil ka wado gobolka, gaar ahaan cadaalad darada iyo xasuuqa ay ka wado Gaza, waxaana nabad ku soo dabaali doonta gayigeena iyo caalamkaba. Si taas loo gaaro, haddaan nahay Turkiga waxaan sii wadi doonnaa inaan sameyno wax kasta oo aan awoodno si kasta oo la heli karo, annagoo garaacayna albaabbada, oo aan ku taageereyno walaalaheenna Gaza oo dhan awoodeena iyo xooggayaga”.

Waxaa kaloo qoraalka Erdogan ka mid ahaa: “Waxaan sidoo kale sii wadi doonaa inaan ka shaqeyno sidii loo dhisi lahaa dowlad xor ah oo madax-bannaan oo Falastiin ah xudduudaha 1967 oo ay caasimaddeeda tahay Bariga Quddus. Waxaan Allaah uga baryayaa inuu naxariistiisa iyo dambi dhaaf ka siiyo walaalkay Ismaaciil Haniyeh oo ku shahiiday weerarkaas foosha xun, waxaan tacsi u dirayaa qoyskii iyo walaalaheenna Gaza, Falastiin iyo caalamka Islaamka”

Ilaahay ha u naxariisto, ha sharfo, Jannatul Firdowsana Allaha ka waraabiyo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON