Friday, March 28, 2025

Madaxweynaha Turkiga oo Digniin u diray dowladda Syria, una qabtay muddo ay ciidamadeeda ugala baxdo…

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa si kulul uga hadlay xaaladda kasoo cusboonaatay faragelinta ay ku sameysay Waqooyiga Syria, markii shalay ay ciidamada Syria duqeyn ku dileen 8 askari oo ka tirsan ciidamada Turkiga, magaalada Idlib.

Isagoo la hadlayey mudanayaasha xisbigiisa ee Baarlamanaka Turkiga ayuu Madaxweynaha Turkiga caddeeyay in weji cusub uu galay howglalka Turkiga ka wado Waqooyiga Syria, wuxuuna u qabtay dowladda Syria inay ciidamadeeda bishan Febraayo inta aysan dhammaan kala baxdo xarumaha ka danbeeya goobaha ay ilaalada ka hayaan ciidamada Turkiga.

Wuxuu ku hanjabay madaxweyne Erdogan haddii ay dowladda Syria ciidamadeeda kala bixi weydo degaanada uu tilmaamay inuu Turkigu ku qasbi doono inay la baxaan ciidamadaasi. “Haddii taliska Syria aysan ciidamadooda la bixin, Turkey waxaa waajib ku ah inay arrintan gacmaheeda wax uga qabato” ayuu yiri Erdogan.

Ad

Sideed qof oo askar Turkish iyo shacab ahaa ayaa Isniintii lagu dilay magaalada Idlib kadib rasaas ka timid ciidamada Syria. Turkey ayaa jawaab ay bixisay ku dishay ugu yaraan 13 askari oo Syrian ah, sida ay sheegeen kooxaha la socda dagaalka Syria.

Madaxweyne Erdogan ayaa Russia, oo ah dalka ugu weyn ee taageera madaxweyne Bashar Al-Assad, ku dhalleeceeyey inay ku guul-darreysatay inay nabad ka dhaqan-geliso gobolka.

Ciidamada Syria iyo Ruushka ayaa olole dagaal oo weyn ka wada Gobolka Idlib ee Waqooyi Galbeed Syria oo ah halka ugu danbeysa ee mucaaradka gacanta ku hayaan, waxaana gobolkaasi ka qaxay kumanaan qof oo xuduudka Turkiga ku qulqulaya, taasoo u Turkigu ka horjeedo.

- Advertisement -

haddii aysan ka bxiin ciidamada syria ka bixin dhulka ka dambeeya xarumaha ilaalada turkiga ay bishan febtaayo gudaheeda ua xiin, waxan ku qasbi doonnaa iay ka baxaan

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON