Madaxweynaha Turkliga Reccep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu bilowday howlgalkii Ciidamada Turkiga ee Waqooyiga Siiriya, iyadoo duqeyn cirka ah iyo ciidama dhulka ay ka .
Madaxwenaha Turkiga ayaa shaaciyey in howlgalka Waqooyiga Syria halkaasi looga sifeyn doono maleeshiyada Kurdish-ka Suuriya ee gacan saarka la lahaa Mareyaknka, wuxuuna intaas ku daray inay ciidamada Turkiga sameyn doonaan aag nabdoon oo lagu celiyo qaxootig Syria.
Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ayaa howlgalka ciidamada Turkiga u bixiyey magaca ah “Nabadda Xagaaga”, waxaana uu sheegay in looga dan leeyahay cirib-tirka “halista argagixsada” ee ka dhanka ah amniga Turkiga.
Taliyeyaasha Ciidamada Dimoqraadiga Syria (SDF) ee Kurdish-ka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Turkiga ay garaaceen goobo shacab, ayna ku dhinteen 2 qof, waxaana madaafiic hoobiyeyaal ah lagu tuuray tuulooyinka u dhow Xuduudka ee gudaha Turkiga.
Madaxweyne Trump ayaa lagu eedeeyay inuu fasaxay howlgalkan militari ee Turkiga, laakiin war kasoo baxay Aqalka cad ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump u sheegay in dagaalka Turkiga uu yahay mid aan wanaagsaneyn, kana fogaado in xaalada bani’aadamnimo halkaasi ka dhalato.
Kulan ay sheegeen Wasiirada xaaladda degdega ah ee dalka Turkiga iyo taliyeyaasha ciidamada dalkaasi ayaa looga hadlay howlgalka Turkiga ee gudaha Syria, waxaana hoggaanka dalkaasi toos ah ula socday madaxweynaha Turkiga.
Midowga Yurub ayaa si taxadar leh uga hadlay weerarkan, waxayna sheegeen inay fahmi karaan howlgalka milateri ee Turkiga, balse aysan ku faraxsanayn saameynta uu keeni karo, waxaana howlgalkan si weyn uga horjeeda xubno ka tirsan labada xisbi ee Koongareeska Mareykanka.
