Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay khadka taleefoonka kula soo xiriireen Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Madaxweyne Erdogan ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay qaraxii argagixisada ahaa ee Ex-Kaantarool, isagoo u sheegay in Turkigu shacab iyo dowladba ay la qaybsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed dhibaatada soo gaartay.
Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey dhigiisa Turkiga, xukuumadda iyo shacabka dalkaas garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in ficillada wuxuushnimada ah ee noocaan oo kale ah aysan marna ka horjoogsanayn shacabka iyo dowladda Soomaaliya hayaanka dib u dhiska iyo horumarinta dalka.
Sidoo kale, Madaxweyne waxa uu uga tacsiyeeyay Madaxweyne Ordogan iyo shacabka dalkiisa labadii halyeey ee u dhashay dalka Turkiga ee ku geeriyooday qaraxaas, kuwaas oo ,Alle ha u naxariistee, ku hawlanaa ka qeyb qaadashada dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaale ee dalkeenna.
Dhanka kale, Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiye Axmed ayaa khadka taleefanka kula soo xiriiray Madaxweyneha Jamhuuriyadda, isagoo uga tacsiyeeyay dadkii Soomaaliyeed ahaa ee argagixisadu ay ku xasuuqeen isgoyska Ex-Kontrol Afgooye, magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Abiy ayaa ka wada hadlay qorsheyaasha wadajirka ah ee lagu dabar gooynayo argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolku ay dardar geliyaan dagaalka wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada.