Ururka TPLF ee dalka Itoobiya ayaa hambalyo u diray Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii loo doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
War uu soo saaray Madaxweynaha Gobolka Tigray ee TPLF Debretsion Gebremichael ayuu hambalyo ugu diray Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaaiya oo loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha TPLF ayaa sheegay inay kalsooni ku qabaan hoggaanka cusub inuu Soomaaliya ka saari doono xalaadii adkeyd iyo xasilooni daradii uu abuuray nidamankii hore, isla markaana ay diyaar u yihiin in iskaashi ay la yeelan doonaan madaxweynaha cusub.
“Soo noqoshada taariikhiga ah ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo helay codad aqlabiyad ah waxay caddeyn u tahay in dadka Soomaaliyeed inay dadka Soomaaliyeed doonayeen xaaladii hoos u dhaca ee ay ku jireen..” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxweynaha Tigray.
Xasan ayaa xukuna banneeyay sanadkii 2017 xilligaas oo ay Itoobiya ka talineysay xukuumadii ay TPLF hoggaamin jirtay oo uu xiriir wanaagsan la lahaa.
