Monday, March 24, 2025

Madaxweynaha Tigray oo shaaciyey inay Ciidamada Dowladda Itoobiya ka saareen Gobolkooda iyo Duqeyn ay…

Madaxweynaha Ismaamulka Gobolka Tigray Debretsion Gebremichael ayaa ka hadlay xaalada Gobolka iyo dagaalka ka socda, isagoo sheegtat in ciidamada Federaalka Itoobiya laga saaray Gobolkaasi.

Wuxuu Madaxweynaha Tigray sheegay in Gobolka uu is-difaaci doono ilaa ay dowladda Itoobiya ogolaado inay wadahadal bilowdo, isagoo caddeeyay inuu wanaagsan yahay isku-dayga lagu joojinayo dagaalka.

“Dowladda Federaalka wax awood ah kuma laha halkan.. waxayna weli duqeyneysaa bartilmaameedyo dhowr ah..” ayuu yiri Debretsion Gebremichael oo u warramay Wakaalada Wararka Reuters.

Ad

Wararkii maanta laga helay Gobolka Tigray aya sheegay in diyaarad dagaal lagu soo riday caasimadda Makelle, halka warar cusub ay sheegayaan in diyaarad labaad la soo riday galabta, kadib duqeyn ay ka waday xarumo ciidan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON