Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir ayaa si lama filaan ah xilkii uga qaaday Wasiirkii Arrimaha diabadda dalkaasi Dr. Ibrahim Ganduur.
Sida ay soo werisay Wakaaladda Wararka Suudaan Madaxweynaha Suudaan ayaa xil ka qaadista wasiirkiisa Arrimaha dibadda ku soo saaray wareegto, iyadoo aan la sheegin sababta loo cuskaday xilka laga qaaday mid ka mida wasiirada ugu muhiimsan dowladda Suudaan.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Ibrahim Ganduur uu khudbad ka jeediyey Baarlamaanka Suudaan isagoo shaaciyey in shaqaalah iyo safiirada Suudaan u jooga dibadda au mushaar la’aan yihiin muddo 7 bilood ah, arrintaasina uu ka aamusi waayey markii ay gaartay heer ay diblomasiyiinta dalkaasi dalbadaan inay dalkooda ku soo laabtaan.
Lacagta mushaarka ah ee diblomaasiyiinta Suudaan ka maqan ayaa gaartay 30 Milyan oo Doolar, sida uu sheegay wasiirka, tasoo laga yaabo inay soo dedejisay xil ka qaadistiisa, waxayna arrintan muujineyaa dhibaatada dhaqaale ee Suudaan heysata.
Waxaa jira arrimo kale oo wasiirku ku kacay sida inuu si kulul uga hadlay dhulka saddex geesoodka ah ee ay isku heystaan Masar iyo Suudaan ee loo yaqaan Xalaayib, taasoo timid iyadoo uu dhowaan Dalka Masar booqday madaxweynaha Suudaan.
Sanadkii hore ayuu mar gudbiyey is-casilaadiisa wasiirka arrimaha dibadda, isagoo markaasi ka cabtay qaar ka mida shaqada wasaaradiisa oo loo wareejiyay wasiir kale, inkastoo uu diiday Madaxweynaha Suudaan.