Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u saxiixday Axdiga ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay dhawaan ku biirtay, taasoo ka dhigeysa xubin buuxda oo ururkaasi ka tirsan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa saxiixa Axdiga EAC u tegay dalka Uganda, isagoo ku saxiixay munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Uganda oo ay goobjoogka ahaayeen Madaxda dhpowr dal.
Soomaaliya ayaa noqotay dalkii 8-aad ee xubin ka noqda ururka EAC, waxaana ururka hore uga mi dahaa dalalka: Kenya, Tanzania, Burundi, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Rwanda, South Sudan iyo Uganda.
“Maanta waa wakhtii aad loogu faano inagoo u dabal degayna ku biirtaanka Soomaaliya ee bulshada bariga Afrika,tani waxay astaan u tahay xaqiijinta himilooyinkeena wadajirka ah,waxayna tilmaan u tahay rajadeena Mustaqabalka oo ay ka buuxaan fursado badan”, ayuu yiri madaxweynaha oo Mahadnaq u jeedinayayna dhamaan dowladdaha xubnaha ka ah iyo xoghayaha dallada bulshada bariga Afrika.