Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidamada Xoogga Dalka oo muddo dheer la sugayey.
Xasan Sheekh ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidamada Xoogga Dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage, waxaana Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka loo magacaabay Jen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo hore ula soo shaqeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh.
War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa goor dhoweyd lagu sheegay in Golaha Wasiirrada uu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee ah magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.
Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan, taasoo ay kamid yihiin Taliyaha Guutada 60aad Ilaalada Madaxtooyadda Qaranka.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la filayaa inay si rasmi ah u shaaciso magacaabista Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xoogga Dalka.
