Friday, October 11, 2024

Madaxweynaha Somaliya oo Jabuuti kula kulmay Xoghayaha Difaaca Mareykanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa dalka Jabuuti Galabta kula kulmay Xoghayaha Gaashanadhigga ee dalka Maraykanka Lloyd Austin.

Xasan Sheekh ayaa u safray dalka Jabuuti si uu ula kulmo Xoghayhaa difaaca Mareykanka Lloyd Austin oo socdaal ku maraya dalalka Geeska Afrika. Dawladda Soomaaliya ayaa taageero milatari iyo tababar ka hesha dawladda Maraykanka.

War kasoo baxay Madaxtooyada Somaliya ayaa lagu sheegay inay ka wadahadleen sii xoojinta xiriirka Somalia iyo Mareykanka, iskaashiga amniga, taageerada dagaalka socda ee ka dhanka ah Alshabaab iyo dadaallada ku aaddan qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Ad

Madaxtooyada aya sheegtay in Lloyd Austin uu sheegay in Dowladda Maraykanka ay ka go’an tahay inay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.

Kulanka madaxweynaha Somaliya iyo xoghayaha gaashaandhigga ayaa yimid xilli adag oo dowladda Soomaaliya dagaal kula jirto Alshabaab, isla markaana ay taagan tahay xaalad adag oo ku sabasan bixitaanka ciidamada AMISOM.

Sidoo kale kulanka Xoghayaha Difaaca Mareykanka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya laba maalmood kadib markii weerar Alshabaab weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla degaanka Kulbiyow, halkaasoo lagu dhaawacay Qandaraasle iyo Askari Mareykan ah.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku dhaawaceen afar askari oo Mareykan ah iyo sagaal ka tirsan ciidamada Kenya, taasoo ay beeniyeen saraakiisha Mareykanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON