Sunday, April 27, 2025

Madaxweynaha Somaliya Jawaab culus u diray Itoobiya “Ma jirto cid bixin karta taako Dhul ah”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay heshiiska is-afgaradka ee dowladda Itoobiya shaacisay inay Somaliland uga kireysatay Dhul 20KM ah Bad iyo Saldhig ciidan.

Isagoo khudbad u jeediyay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayuu si cad u sheegay inaysan jirin cid awood u leh inay bixiso cad ka mida Dhulka Soomaaliyeed, isla markaana wixii Addis ka dhacay ay ahayd arrin curato ah oo aan hore loo arag.

“Waxaa 1-da Janaayo Addis ababa ka dhacay ma ogolin, dadka Soomaaliyeed meela kasoo ay joogaan ma ogola, Qaanuunka caalamiga ah ma ogolla, sinna dhaqangal kuma noqon doono..” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo dadka Gobollada Waqooyi ku tilmaamau dad aan ogoleyn in dhulkooda.

Ad

Xasan Sheekh ayaa: Walaalayaak Itoobiya aqonsi idinma heyso, haddii ayy idin tiraahdo aqoonsi ayaan siinay haddii ay tiraahdana idin ma heyno… Wax kasta ma goyso Dhul inaad bixisaan..”

Wuxuu Dadka Somaliland xusuusiyay wixii dhex maray Itoobiya iyo Eritera iyo inta ay Erteria ku qaaday inay dib xoriyadooda uga qaataan Itoobiya, isagoo dadka Soomaaliland ugu baaqay inaysan ogolaan damaca itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Itoobiyaanka u diray farriin ah inaysan shidaal ku shunin dhibaatadda Geeska Afrika “… Abiy Ahmed waxaan leeyahay faragelintii Meles Zenawi ku sameeyay Soomaaliya waxaa ka dhashay Alshabaab… Maanta oo Alshabaab aan ka adkaaneyno nama qabato in fursad kale in loo abuuro Alshabaab.. taasi nama qabato, Gobolka Geeska Afrikana ma qabato..” ayuu yiri Xasan Sheekh.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay dhiig cusub ku shubtay Alshabaab, arrintaasina Geeska Afrika oo dhan dhibaato ku keeni doonto, isagoo caddeeyay inaysan jirin cid taako ka mida dhulka Soomaaliya ka mida bixin karta.

Wuxuu ugu baaqay dowladda Itoobiya inay ka laabato heshiiska 1-da Janaayo, jidkuna aanu ka jirin qaabka ay wax u wadaan. “Nin Taako ka mida dhulka Soomaaliya idin siin karo ma jiro, haku kedsoomina ayaan leenahay..”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON