Monday, February 17, 2025

Madaxweynaha Somaliland oo xilalkii ka qaaday Wasiiro iyo Wasiir ku xigeeno [Akhriso: Magacyada 6 Wasiir oo cusub &…]

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilalkii ka qaaday wasiiradii Cadaaladda iyo Qosheynta Somaliland, isagoo magacaabay lix wasiir iyo shan wasiir ku xigeen oo cusub.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Somaliland ayaa xil ka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey xubno ka mida golaha wasiirada, waxaana wareegtada ay qorneyd sida soo socota:

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ad

Ku: Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda;

Ku: Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin)
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Cismaan Aadan Jaamac
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

- Advertisement -

Ku: Xuseen Ibraahim Xasan Buuni
Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame
Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan.

- Advertisement -

Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid

[Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

2. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

3. Siciid Sulub Maxamed Xuseen Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga.

4. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

5. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

6. Mustafe Maxamuud Cali Bile Wasiirka Wasaaradda Caddaalada.

7. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

8. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

9. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

10. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

11. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON