Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo waffi uu hoggaaminayo oo galabta ka dhoogay Garoonka magaalada Hargeysa ayaa caawa gaaray magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.
Socdaalka Muuse Biixi socdaalkiisa lagu sheegay mid shaqo oo maalmo kooban qaadan doona, iyadoo ujeedka safarkiisa lagu sheegay inuu kulamo la yeesho hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika ee ku shirsan magaalada Addis Ababa, waxaana halkaasi hore ugu sugnaa wasiirka arrimaha dibadda somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon).
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in socdaalka Madaxweynaha Somaliland uu qaadan doono muddo kooban, iyadoo uu wafdigiisa ka mid ahaa wasiirada Horumarinta Beeraha, Axmed Muumin Seedi, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed, Xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Cismaan Sheekh Axmed.
Safarka Muuse Biixi ee Addis ababa ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu Itoobiya ka socdo shir madaxeedka 33-aad ee dalalka Midowga Afrika, waxaana garoonka Addis ababa kusoo dhoweeyey wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Itoobiya Dr.Aklilu Hailemecheal.