Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Hambalyo u diray ciyaartoyda iyo macallimiinta Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya, kadib guushii ay kasoo hooyeen ciyaartii ugu horeysay ee is-reebreebka Koobka K/cagta Adduunka 2022.
Xulka Kubadda Cagta ee Somalia ayaa 1-0 uga adkaaday xulka Zimbabwe, kadib ciyaar ka dhacday Dalka Djibouti, waxaan goolka xulka Somalia uu yimid daqiiqadii 87-aad ee qeybtii danbe,, guushan oo ahayd mid taariikh ah oo Soomaali badan ay ku bogaadisay Xulka Qaranka Somalia.
“Waxaad sharaf usoo hooyseen dalkiinna iyo dadkiinna, waxaana idiin rajeynayaa inaad guul kala soo noqotaan lugta 2-aad ee ciyaartan.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo qoraal Ingiriis ah soo dhigay bartiisa twitter-ka.

