Tuesday, October 3, 2023

Madaxweynaha Ruushka oo xaqiijiyay Geerida Milkiilihii kooxda hubeysan ee Wagner

Madaxweynaha Russia Vladamir Putin ayaa xaqiijiyay geerida milkiilihii Kooxda hubeysan ee calooshood u shaqeystayaasha Wagner oo xalay ku dhintay, markii ay burburtay diyaaradii uu la socday.

Putin ayaa tacsi diray qoyska Yevgeny Prigozhin, isagoo sheegay inuu muddo yaqaanay, uuna ahaa nin hibo badna leh, isagoo kasoo laabtay Afrika, inta aanay diyaaraddala dhicinna uu kulamo muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiin dhowr ah.

Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo sababta diyaaradii uu la socday madixii kooxda Wagner oo ahaa milkiilaha maleeshiyada hubeysan ee ka howl gasha dalal badan oo Afrikaan ah iyo Ruushka Yevgeny Prigozhin.

Ad

“Yevgeny Prigozhin wuxuu ahaa nin leh karti badan oo “wax weyn kusoo kordhiyey” halganka lagula jiro Naasiyiinta Ukraine”,” ayuu yiri Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin xaqiijiyay inuu dhintay madaxa kooxda Wagner.

Diyaaradda burburtay waxaa sidoo kale ku dhintay 9 qof oo ka mid ahaa taliyeyaasha iyo madaxda kooxda Wagner.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,982FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!