Thursday, April 24, 2025

Madaxweynaha & Ra’iisal wasaaraha oo kulan la yeeshay Guddoomiye ku xigeenka Bankiga Adduunka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho yimid guddoomiye ku xigeenka Bankiga Aduunka ee qeybta Afrika Hafez Ghanem oo booqashadiisii ugu horeysay ku yimid dalka, wuxuuna kulamo kala gaara la yeeshay Madaxweyaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Waxaa Garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay Hafez Ghanem iyo wafdigiisu Wasiirka Maaliyadda, kadibna waxayna xariga ka jareen Xafiiska Cusub ee Bangiga Aduunka Qeybtiisa Soomaaliya qaabilsan. oo Muqdisho laga hirgeliyey, waxaana kadib uu guddoomiye ku xigeenka Bankiga Adduunka ee Qaarada Afrika uu kulamo is xigay la qaatay Ra’iisal wasaaraha Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo ayaa ahaa Qado sharafeed loo fidiyey Madaxda ka socotay Bankiga Adduunka, waxaana ka qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo mas’uuliyiin kale.

Ad

Dhinaca Bankiga Adduunka waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Kuxigeenka Bangiga Adduunka ee Arrimaha Afrika Mudane Hafez Ghanem, Agaasime-Goboleedka Afrika ee Hayadda Caalamiga ah ee Maal-gelinta Dhaqaalaha Marwo Jumake Jagun-Doknmu, Agaasimaha Howl-gelinta Bangiga Adduunka ee Kooxda Afrika Mudane Anne Kabagambe, Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Puteri Watson.

Xafiz Ghanim ayaa sheegay inuu ku farxsan yahay booqashadiisa oo ka tarjumeyso sida Bankiga Aduunka ay uga go’antahay taageerada Soomaaliya, isagoo intssd ku daray in horumar laga sameeyay iyo dib u habeynta hay’adaha dhaqaalaha dalka.

Image may contain: 2 people, people standing, suit, wedding and indoor
Image may contain: 1 person, sitting and indoor
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON