Saturday, January 25, 2025

Madaxweynaha Puntland oo mar qura magacaabay Taliyeyaashii ciidan ee ugu badnaa ka hor Doorashada

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray saddex xeer Madaxweyne oo uu ku magacaabay taliyeyaashii ugu badnaa ee ciidamada maamulkaasi, ka hor Doorashada Golaha shacabka ee la filayo inay ka dhacdo magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.

Magacaabiddan ayaa saameysay taliyeyaash Booliska Gobollada Nugaal, Bari, Dekadda Boosaaso iyo ciidamada PMPF-ta, waxaana taliyeyaasha la magacaabay ay kala yihiin:

Ad

1. Waxaa S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi loo magacaabay Hogaanka Dembi Baarista (C.I.D) ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

2. Waxaa G/sare Xuseen Cali Maxamed oo ahaa Taliyaha Qabta Booliska Gobolka Bari loo bedelay Taliyaha Qabta Booliska Gobolka Nugaal.

3. Waxaa G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada loo wajeejiyey Taliska Ciidanka Booliska waxaana loo Magacaabay Taliyaha Qabta Booliska Gobolka Bari.

- Advertisement -

4. Waxaa G/dhex Warsame Axmed Shirwac loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Dekedda Boosaaso.

5. Waxaa Maxamuud Silaal Cumar loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka PMPF-ta Dowladda Puntland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON