Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdigii la socday oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa la kulmay masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga Imaaraadka, Rugta gancsiga Abu Dubai iyo qaar ka mida Gnacsatada dalkaasi.
Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xiriirka gancsi iyo maalgashi ee Puntland iyo Imaaraadka Carabta, waxaana arrimaha laga hadlay ka mida ganacsiga xoolaha, duulimaadyada, iyo dhiiri-gelinta maalgashiga .
Madaxweyne Siciid Deni oo safarkiisii ugu horeeyay ku jooga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa la socda xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatuur (Gabiley) La taliyayaal.




