Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ka hadlay sida uu ku socdo shirka Qaran ee Wadatashiga Doorashooyinka dalka ee Muqdisho, isagoo rajo ka muujiyey.
Deni oo khudbad uu jediyey kaga hadlay arrimaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay inuu shirku jawi fiican ku bilowday, isla markaana uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaaraha, wuxuuna rajeeyay inuu horseedo in dalku gaaro doorasho degan.
“Waxaa maalintii labaad galay shirkii wadatashiga Doorashooyinka oo Ra’iisal wasaaraha uu hoggaaminayo, jawi quruxb badan ayuu ku bilowday, waxaan rajeynayaa wadadda uu hada hayo in ay keeni doonto in khilaafaad badan oo hore u jiray soo afjarmi doonaan, dalkuna doorasho degan geli doonaan..” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Wuxuu rajo ka muujiyey shirka in lagu gaari doono heshiis horseeda Doorasho loo dhan yahay, lagana gudbi doono caqabadaha jiray oo uu sheegay in looga gudbi doono isu tanaasul.
