Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland oo maalmihii ugu danbeeyay safarro ku maqnaa ayaa ugu danbeyn lagu arkay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa madaxtooyada Puntland ay shaacisay sawirro ku saabsan inuu Nairobi kula kulmay qaar ka mida safiirada Soomaaliya u jooga dalal dhowr, waxaase hore loo shaaciyay inuu tegayo dalka Mozambique.
C/weli Gaas oo hadda noqday madaxweyne goboleedka ugu safarka iyo socdaalka badan ayaa dhowaan tegay dalka Shiinaha oo la sheegay in Riiga qod Ceelasha loogu soo deeqay, wuxuuna toddobaad gudihiis laba jeer tegay magaalada Adis ababa, halka Nairobi ay u noqotay xarun uu isaga daba laabto.
Madaxweynaha PUntland ayaa ka baaqsaday shirkii Madasha Qaran ee Muqdisho lagu qabtay 7-8 Disembar, waxaase la filayaa in shirka danbe uu ka qeyb galo.
Goobjooge.com