Saturday, April 26, 2025

Madaxweynaha oo saxiixay Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay  Xeerka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka,  xeerkaas uu Baarlamaanka Federaalkauu  meel mariyay Bishii June 2016.

Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo muddo sugayay inuu saxiixo Madaxweynaha ayaa muhiim u ahaa arrimaha xuquuqda aadanaha Soomaaliya, waxayna dowladda Xasan Sheekh ku qaadatay inay ansixiso bilihii ugu danbeeyay ee xilliga dowladiisa.

Xaflada lagu saxiixayay Xeerkan Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka ayaa ka dhacday Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay  madax ka socotay Dowladda Soomaaliya oo ay ugu horeysay Wasiirka Haweenka.

Ad

Waxaa kaloo xafladda goobjoog ka ahaa Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, Taliyaha Ciidanka Asluubta, iyo xubno ka socday ururada Bulshada rayidka.

Saxiixa xeerka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka kadib waxaa la filayaa in guddigaasi la dhiso muddooyinka soo socda.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON