Thursday, November 30, 2023

Madaxweynaha oo Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada iyo Qodob uu ka dalbaday

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey shirkii toddobaadlaha Golaha Wasiirrada, kadib muddo ku dhow laba bilood oo uu ku maqnaa magaalada Dhuusamareeb iyo safarkiisii dalka Eritrea.

Madaxwaynaha ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay dagaalka Alshabaab ee ka socda jiiddaha hore ee dagaalka, isagoo tilmaamay in wajigii labaad ee hawlgallada Khawaariijta laga gaaray guulo waaweyn, isla markaana ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanku horumar muuqda ay sameeyeen furimaha dagaalka.

Wuxuu ka dalbaday Golaha Wasiiradda Xukuumadda inay sii labalaabaan doorka ay ka qaadanayaan hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaariijta Alshabaab.

Ad

Wuxuu kaloo soo qaaday Madaxwayne Xasan Sheekh in dhamaystirka Dastuurka Federaalka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladiisa, si loo helo hay’ado is dheelitira oo sharciga ku shaqeeya.

Kulanka waxaa ka hadlay Ra’iisul Wasaare Xamse oo isna sheegay in xukuumadiisaay sameysay laba guddi oo heer Wasiiro ah: Guddiga Taakulaynta Ciidmada iyo Guddiga Wacyigalinta howlgallada lagu sifeynayo Khawaariijta.

Sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa maanta lagu ansixiyay Hindise sharciyeedyo iyo heshiisyo caalami ah oo ku saabsan dhaqaalaha, caafimaadka, warfaafinta iyo dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON