Monday, June 16, 2025

Madaxweynaha Mareykanka oo weerar cusub ku qaaday Dalalka ku jira Gaashaanbuurta NATO

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sii wada weerarkii dhinaca baraha bulshada ee uu ku qaadayey dalalka  xulafada la ah kadib shirkii fashilka ku dhammaaday ee ugu horeeya dhaqaalaha dunida G7.

Trump ayaa weerar cusub ku qaaday isagoo adeeganaya Twitterr-kiisa oo ay ku xiran yihiin dad ka badan 52 Milyan oo qof dalalka Gaashaanbuurta NATO ku jira, wuxuuna in kharashka NATO uu bixiyo Mareykanka, halka dalalka ku jira NATO ay difaaca Mareykanka ka faa’iideystaan oo kaliya.

Arrintan ayaa salka ku heysa dood uu furay markii xilka loo doortay oo ku saabsaneyd in dalalka Gaashaanbuurta NATO ay iska bixiyaan kharashka uu Mareykanku ku difaaco oo dalal uu Jarmalku ka mid yahay farta lagu fiiqay.

Ad

“Maraykanku wuxuu bixiyaa inta badan kharashka ku baxa NATO, si uu gacan uga gaysano ilaalinta xulafadaas nagu jisaara oo nagu weerarraya ganacsiga”. ayuu yiri Trump oo ku sugan dalka Singapore.

Wuxuu ka jawaabay canshuurta loogu hanjabay in lagu soo rogayo Mareykaka wuxuuna sheeay in Ganacsiga loo siman yahay uu hadda noqday Ganacsiga doqomada.

Arrintan ayaa jawaab u ah  War kasoo yeeray Ra’iisal wasaaraha Canada oo wacad ku maray in uu ficil aargoosi ganacsi ah ah qaadi doono bisha soo socota, iyadoo canshuur saari doono badeecadaha Mareykanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON