Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si toos ah arrinta joojinta Qaadka kala soo xiriiray dhigiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Afhayeenka Madaxtooyada Kenya Eric Kiraithe ayaa sheegay in Madaxweynaha dalkaai Uhuru Kenyatta uu xiriir toos ah la sameeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo kala hadlay sidii xayiraadda looga qaadi lahaa Ganacsiga Qaadka oo dowladda Soomaaliya ay dhowaan joojisay.
“Madaxweynuhu wuxuu dhiggiisa Soomaaliya ogeysiiyay sida mamnuucida Qaadka saamaynta ugu yeeltay beeraleyda Qaadka Kenya” ayuu yiri Kiraithe. Wuxuu afhayeenkaasi sheegay in Wasaarada Arimaha Dibada ee Kenya ay koox u diri doonto Soomaaliya si xiriirka ganacsiga loo hagaajiyo.
Dowladda Soomaaliya ayaa si KMG ah u joojisay Qaadkii ka imaanayay dalka Kenya, waxaana wararku sheegayaan in bartamaha bishan dib loo fasixi doono duulimaadyadii Qaadka ee Muqdisho imaan jiray.
Goobjooge.com