Saturday, March 22, 2025

Madaxweynaha Kenya oo taageeray Arrin ay Dowladda Somaliya olole ugu jirto

Madaxweynayaaasha Soomaaliya Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kenya William Ruto ayaa kula doceed ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo uu ka dhacay shir madaxeedkii Midowga Afrika.

kulanka labada madaxweyne ayaa looga wadahadlay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo dadaallada Soomaaliya ee ku biirista Dallada Bariga Africa ee EAC, sida ay sheegtay madaxtoyada Soomaaliya.

“Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay. Soomaaliya oo nabad ah waxay keeni doontaa jawi wanaagsan oo kor u kaca ganacsiga labada dal. Kenya waxay sii wadi doontaa taageerada ay siiso Soomaaliya xasilloon oo nabad ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxweynaha Kenya.

Ad

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweynaha Kenya William Ruto uu Xasan Sheekh u sheegay in dalkiisu uu si buuxda u taageerayo ka mid noqoshada Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxtooyada ayaa intaas ku dartay in madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay dhiggiisa Dalka Kenya ‘in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan heshiis ah, ayn mudnaanta siinayaan yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrada Gobolka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON