Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Waxaa Garoonka magaalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Madaxweyaha Galmudug Cabdi Maxamed Kaariye (Qoorqoor), wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Maamulka Galmudug, iyadoo loo galbiyey gudaha magaalada oo shir maanta uga furmayo madaxda Dowlad Goboleedyada dalka.
Madaxweyaha K/Galbeed ayaan wadan wax ciidan ah oo ilaalo u ah, waxaana wafdigiisa ka mid ahaa wasiiro, la-taliyeyaal iyo saraakiisha Brotokolka, mana jirin ciidamo hubeysan oo wehliyey.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa ciidamo ilaaliya u diray magaalada Dhuusamareeb, waxayna halkaasi geeyeen ciidamadii ugu badnaa ee ay degaanadooda meel ka baxsan la tagaan.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isna shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb, isagoo aan wadan ciidamo ilaaliya, laakiin wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka baxay magaalada Beledweyne ay maanta gaarayaan magaaladaasi.