Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xamza Cabdi Barre ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamka ugu hambalyeeyey munaasanadda ciidda Carafo oo ah munaasabad qiimo weyn leh.
Madaxweynaha aya ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed inay badiyaan maalmahan barakaysan, ducada iyo Alle bariga ku aaddan horumarka dalka. Wuxuu ka hadlay xaaladda nololeed ee ay la tacaalayaan kumannaanka qoys, kuwaas oo ay saameeyeen abaaraha ka jira dalkeenna, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay farxadda ciidda la qeybsadaan dadkooda dhibaateysan.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamza Cabdi Barre ayaa shacabka isna ugu hambalyeeyey Munaasabadda Ciidul-adxaa, isagoo si gaar ah Hambalyo ugu diray ciidammada qalabka sida.
“Waxaan munaasabadda Ciidul-adxaa awgeed u hambalyeeynayaa guud ahaan Ummadda Islaamka ah gaar ahaanna Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida kaga suganyihiin. Waxaana Eebbe ka baryayaa in uu dhammaanteen innaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee aan soo gudannay, Rabbina acmaasha xajka haka aqbalo xujayda gudanaaya waajibaadka xajka”.
Wuxuu Ganacsatada, Qurba-joogta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay caawiyaan una gurmadaan dadka ay abaaruhu saameeyeen.