Monday, February 10, 2025

Madaxweynaha Imaaraadka oo Amray in Soomaalida toos loo siiyo Dal-ku-galka UAE

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku usgan dalka Imaaraadka Carabta ayaa kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi oo ay ugu horeeyaan Ganacsatada.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed uga xog warramay xaaladda guud ee dalka, sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha, horumarinta bangiyada, maalgashiga dalka.

“Kulanka aan la qaatay Madaxweynaha waxyaabaha ugu horreeyey ee aan kala hadlay waxa ay ahaayeen fududeynta sharciyada, dal ku galka iyo guud ahaan isu-socdka muwaadiniinta, isla markiiba Madaxweynaha Imaaraadka waxa uu amray in Safaaraddooda magaalada Muqdisho ay dadka Soomaaliyeed si toos ah uga soo qaataan fiisaha. Sidoo kale, dhammaan caqabadaha kale ee jira waxaan isku raacnay in la xalliyo oo guddiyo farsamo ay ka shaqeeyaan fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, bangiyada, maalgashiga iyo sharciyada” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad u jeediyey Jaaliyadda.

Ad

Jaaliyadda ayaa dhinacooda ka wax-bixiyey xaaladda bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyaga oo sheegay xiriirka labada dal ee xumaaday sanadihii la soo dhaafay in uu saameyn weyn oo dhaqaale ku yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON